Booliiska Soomaaliya oo faah-faahin ka bixiyay qarax maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

Published: April 16, 2023

Taliska Qaybta Booliiska ee Gobolka Banaadir ayaa faah-faahin ka bixiyay qarax maanta ka dhacay Degmada Xamar jajab ee Magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare kala duwan.

Qoraal kasoo baxay taliska Booliska ayaa lagu sheegay in mootada ay xoog ku soo dhaaftay bar lagu hubiyo gaadiidka oo ku taalla degmadaasi, balse iyada oo ay ceersanayeen ciidanka ammaanka ay ku qaraxday Waaxda General Daa’uud.

Sidoo kale Taliska ciidamada ayaa xusay in laga hortagay weerarkan, isla-markaana qorshihii ay damacsanaayeen raggaan la fishiliyay, sida lagu sheegay qoraalka.

Boolisku tilmaamay in qaraxan ay ku dhinteen saddexdii nin ee watay mootada, sidoo kalena uu dhaawac fudud soo gaaray qof kale oo shacab ah oo waddada mararayay.

Horseed Media