Booliska Bosaso oo howl gal ballaaran ka sameeyey magaalada

Published: February 6, 2017

Ciidanka ammaanka magaalada Bosaso ayaa howl gal ka sameeyey wadooyinka iyo xaafadaha magaalada, iyadoo howl galkaasi uu ahaa mid ka duwan howl galadii horey ciidamada u sameyn jireen.

Howl gal waxa ay ciidan ku soo qabteen in ka badan 100 gaari oo nooc loo yaqaan borobokis ee dad weynaha adeegsadaan.

Gawaaridaasi ayaa lagu xareeyey garoonka kubadda cagta ee magaalada, waxaana inta badan wadooyinka magaalada aan lagu arkin gawaaridaasi.

U jeedada loo qab-qabtay gawaaridaasi ayaa lagu sheegay in loo sameenayo nidaam lagu kala hako, maadama ay fara ka bateen

Sidoo kale maamulka gobolka Bari, kan degmada Bosaso iyo laamaha ammaanka ayaa la sheegayaa in ay qorsheeyeen in nambaris loo sameeyo gawaarida nooca takaasida ah, isla markaana laga qaado lacag dhan 18 doolar xiliga loo sameenayo nambariska.

Gaadiidka nooca loo yaqaan borobokis waa takaasida inta badan ka howl gasha magaalada, waxaana raaca dadweynaha.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *