Booliska gobolka Banaadir oo dhaqan-gelinaya amarkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee hubka

Published: April 14, 2023

Taliska Boosliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay dhaqan-gelinayaan amarkii dhowaan kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxauud ee lagu mamnuucayay in magaalada Muqdisho lagu dhex qaato hubka waaweyn.

Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Mahadi Cumar Muumin ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta hubaysan ee dowladda in aysan fulin amarkii kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya ee lagu xakamaynayay hubka nuucyadiisa.

Taliyaha ayaa sheegay inay ciidamada dowladdu bilaabeen howlgal lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho, sidaas darteedna aan la aqbali karin in magaalada Muqdisho hub lagu dhex sito.

Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir waxa uu ku hanjabay cid kasta oo jebisa amarka xakamaynta hubka in maxkamad lasoo taagi doono .

Dhawaan ayay ahayd marii ay dowladdu diyaarisay ciidamo farabadan oo ku hubaysan gaadiid dagaal, kuwaas oo loo diyaariyay sugidda amniga Muqdisho.

Horseed Media