Booliska Jubbaland oo loo tababaray amniga doorashooyinka iyo xakamaynta dadka

Published: August 9, 2021

Maamulka Qeybta Booliiska ee Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa Magaalada Kismaayo ku soo gabagabeeyay tababar aqoon kororsi ah oo la xiriiray sugidda amniga ee doorashooyinka.

Tababarkaan oo socday muddo shan maalmood ah, waxaa ka qeybgalay15 sarkaal  oo ka tirsan Booliiska Jubbaland, kuwaasc oo iyaguna sii tababari doona ciidanka Booliiska.

Tababarkaan mudadii uu socday waxaa lagu qaatay maareynta amniga, tilmaamaha doorashada, xeerarka iyo waajibaadka ciidamada, habaynta, qaab -dhismeedka sharciga doorashada, ka hortagga rabshadaha iyo illaalinta nidaamka dadweynaha iyo la macaamilka rayidka.

Magaalada Kismaayo ayaa kamid ah goobaha loo asteeyey inay ka dhacdo doorashada Soomaaliya, waxaana todobaadkii hore ka bilowday doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabelle iyo Jubbaland ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan sugida amaanka goobaha ay ka dhaceyso codbixinta.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *