Booliska Puntland oo qabtay dad xaalufin ku hayey geedka Quwaaxa

Published: September 15, 2024

Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan qaybta gobolka Nugaal ayaa deegaanka Rabaable oo ka tirsan degmada Garowe ku qabtay gaari nooca dhaynaha sooomaalidu u taqaan kaas lagu soo raray Geed Quwaax iyo dadkii waday, kuwaas oo deegaanka kuhaya xaalufin iyo nabaad guurin.

Taliska qaybta booliska Gobolka Nugaal ayaa sheegay iney maxkamada horgaynayaan eedaysanayaasha iyo geed quwaax lagu qabtay.

Waxay fariin adag u direen cidkasta oo ku howlan falalka noocaan oo kale ah iney gacanta kusoodhigi doonaan sharcigana horgayn-doonaan.

Horseed Media