Booliska Puntland oo qabtey ajaabin ka tirsan Daacish

Published: February 9, 2024

Booliska ayaa sheegay in ay qabteen Xasan Ibnu Maxamed Ibnu Xusseyn oo u dhashey dalka Marooko iyo Maxamed ibnu Maxamed Axmed oo u dhashey Suuriya kuwaas oo ka tirsan Daacish. Boolisku waxay sheegeen in xubnahan lagu qabtey degmada Ufeyn ee gobolka Bari

Booliska Puntland ayaa sheegay in lixdii bilood ee ugu danbeysey ay qabteen xubno sarsare oo ajaanib ah kuwaas oo ka tirsan Daacish.

Ururka argagixsada ah ee Daacish ayaa saldhigyo ku leh buuraha cal Miskaad ee gobolka Bari.

Horseed Media