Booliska Soomaaliya oo digniin dhanka amniga u diray shacabka Muqdisho

Published: December 21, 2022

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho uga digay suurtagalnimada weeraro ay xilligan Al-Shabaab ka gaysan karaan magaalada.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weeraro ka gaysan karaan caasimadda, maadaama looga adkaaday sida uu yiri furimihii iyo kaymihii dagaalka.

Afhayeenka ayaa sheegaya in laga yaabo in Shabaabka ay dhibaato u gaystaan shacabka Muqdisho.

 Afhayeen Doodisho ayaa bulshada ku dhaqan Muqdisho ka codsaday inay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga.

Horseed Media