Booliska Soomaaliya oo faahfaahiyay khasaaraha weerarkii ka dhacay isgoyska Soobe

Published: October 29, 2022

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe) oo shir jaraa’id kula hadlay warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyey Qaraxyadii maanta ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Afhayeen Doodishe ayaa sheegay in Qaraxyadu ay ahaayeen labo islamarkaanna lala beegsadeen goobo waxbarasho oo ka ag dhaw isgoyska Soobe, iyada oo halkaas ay ku taal Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, Gaashaanle Saadiiq Aaden Cali (Doodishe) ayaa sheegay in uu socdo tirakoobka dadka ay wax ka soo gaareen qaraxyada, isla markaasn ay dib laga soo gudbin doono.

Dadka la xaqiijiyay in ay qaraxyada ku dhinteen ayaa waxaa kamid ah Taliyihii Saldhiga Booliska degmada Hodan  Xuseen Cadceed Cismaan, Wariye Maxamed Ciise Koonaa, halka ay ku dhaawacmeen weriyayaal iyo dad badan oo shacab ah.

Shan sano ka hor bishan hadda ay ku jirno ee Octoobar ayey ahayd markii uu ka dhacay Isgoyska Zoobe, Qaraxii ugu weynaa kaas oo ay ku dhinteen in ka badan kun qof halka ay ku dhaawacmeyn tiro intaas ka badan.

Horseed Media