Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay rag hubeysnaa oo dhac u geysan jiray shacabka

Published: November 27, 2022
Shares4

Ciidamada booliska ee Dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo lagu xaqiijinayey amniga ka sameeyey xaafado ka tirsan Muqdisho.

Howlgalka ay sameeyeen Ciidamada booliska ayaa looga hortagayey kooxaha dhaca u geysta shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho.

War kasoo baxay taliska Booliska oo lagu faahiyey howlgalladaasi, ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen kooxo burcad ah oo dhaca ka geysanayey Waaxda Barwaaqo ee Xamar-Jadiid oo ka tirsan degmada Warta Nabadda.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay inay la wareegeen hubkii ay wateen raggaasi oo labo ahaa iyo mooto Bajaaj ay u adeegsanayeen dhaca.

Ciidamada ammaanka ee dowladda ayaa Maalmihii u dambeeyey kordhiyey howlgallada ka socda caasimada dalka ee Muqdisho oo ka dhici jireen falal liddi ku ah amniga.

Horseed Media