Booliska oo ka hadley khasaaraha weerarkii Liido.

Published: April 22, 2022

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan oo faahfaahin ka bixiyey qaraxii caawa ka dhacay xeebta Liido ayaa sheegay inuu fuliyey qof naftiisa haligay oo soo xirtay jaakadda qaraxda.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyey dhimashada 3-qof iyo dhaawacyada 8-kale oo ka dhasheen qaraxaas, isagoo meesha ka saaray inuu jiray weerar toos ah oo ka dambeeyey qaraxaas.

Afhayeenka booliska ayaa sheegay qofka is-qarxiyey ay u suurta geli weysay inuu gudaha u galo Hotelka, isla markaana uu ku qarxay banaanka Hotelka oo lagu magacaabo Pescatore, kuna yaallaa inta u dhaceysa Hotellada Beach View iyo Oceian View ee xeebta Liido.

Wuxuu sheeegay in lasoo badbaadiyey dhamaan masuuliyiintii ku sugneyd Hotelka, isagoo aad u amaanay ciidamada ammaanka oo sida uu sheegay fashiliyey qaraxaas oo qofkii isku soo xiray uu doonayey inuu gaaro goob masuuliyiin badan ay ku sugnaayeen.

Ugu yaraan 10 xildhibaan oo Gobolka Sool ka soo jeeda, Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale ayaa ku shirsanaa Hotelka la weeraray.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *