Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii markii ugu horeysay muddo toban sano ku dhow booqasho ku tagay Imaaraadka Carabta, si uu u soo nooleeyo xiriirkii labada dal oo uu saameyn ku yeeshay khilaafkii wadamada Khaliijka.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/02/Erdogan-imaaraatiga-150222-1.jpg)
Waxaa magaalada Abu Dhabi ku soo dhaweeyay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sheikh Mohammed bin Zayed Al-Nahyan oo ah Dhaxal sugaha Imaaraatka Carabta, kaasoo bishii November booqashadii ugu horeysay ee heer sare ah ku tagay dalka Turkiga tan iyo 2012-kii.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/02/Erdogan-imaaraatiga-150222-2.jpg)
Safarkaan “wuxuu calaamad u yahay bilowga cusub ee xiriirkeena”, ayuu Erdogan ka sheegay garoonka Istanbul kahor inta uusan u dhoofin booqashadiisa laba maalmood ah. “Waxaan qorsheyneynaa inaan qaadno tillaabooyin dib ugu soo celinaya xiriirka heerkii uu mudan yahay.” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga.