Booqashada Erdogan ee Imaaraatiga

15 February, 2022

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii markii ugu horeysay muddo toban sano ku dhow booqasho…

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii markii ugu horeysay muddo toban sano ku dhow booqasho ku tagay Imaaraadka Carabta, si uu u soo nooleeyo xiriirkii labada dal oo uu saameyn ku yeeshay khilaafkii wadamada Khaliijka.

Waxaa magaalada Abu Dhabi ku soo dhaweeyay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sheikh Mohammed bin Zayed Al-Nahyan oo ah Dhaxal sugaha Imaaraatka Carabta, kaasoo bishii November booqashadii ugu horeysay ee heer sare ah ku tagay dalka Turkiga tan iyo 2012-kii.

Safarkaan “wuxuu calaamad u yahay bilowga cusub ee xiriirkeena”, ayuu Erdogan ka sheegay garoonka Istanbul kahor inta uusan u dhoofin booqashadiisa laba maalmood ah. “Waxaan qorsheyneynaa inaan qaadno tillaabooyin dib ugu soo celinaya xiriirka heerkii uu mudan yahay.” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *