Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Hargeysa, Bilowga, Dhamaadka Gooni-isu-taaga Somaliland!

Published: February 16, 2020

Farmaajo: “Beertii Xoriyadaay, Bara Caafimaadiyo, Guri Laysku Baantaay Baxsaney Hargeysaay kaa guddoomey baaqee!”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhawaan kula kulmey magaalada Adis Ababa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kulankan waxaa ka soo shaqeeyey raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxaana uu ka dhacay xafiiskiisa, kulanka ayaa ahaa mid maqaamkiisa hoos loo dhigey, warbaahinta aan lala socodsiin wixii ka soo baxay, laakiin waxa jiritaankiisa iyo waxyaabaha looga hadley qaarkood laga xaqiijiyey labada dhinac ee Villa Somalia iyo Hargeysa.

Haddaba kulanka kadib waxaa soo baxay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Macamed Cabdullaahi iyo Rayslawasaaraha Itoobiya ay wada booqan doonaan magaalada Hargeysa, haddaba waxaa jira su’aalo badan oo la is weydiinayo, maxaa ka jira booqashada Madaxweyne Farmaajo uu ku tegayo Hargeysa todobaadka socoosocda?, yaa iska leh hindisaha booqashada Hargeysa, Somaliland sidee u aragtaa in Madaxweynaha Federaalku uu booqdo Hargeysa? Yey u tahay guul siyaasadeed?, maxaase uga halaysmi kara Somaliland haddii ay diido booqashada.

Muddooyinkii danbe waxaa albaabada siyaasadeed ka soo xirmeen siyaasadda Somaliland oo iskeed ugu dhawaaqdey in ay Soomaaliya ka go’dey muddo haatan laga jooho 29 sano, waxaana ay beesha caalamka kala kulantey cadaadis xoog leh. Madaxweynaha hadda xilka haya ayaa deeq bixiyaasha caalamka, iyo maalgashadayaashuba ula dhaqmeen si ka duwan madaxdii ka horeysey isaga. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa caqabada siyaasadeed ee helay kadib si weyn isugu dhiibey dalka Itoobiya siyaasad ahaan, si ay u helaan galaangal siyaasadeed, damaanad maalgashi iyo loobi siyaasadeed.

Dhanka kale waxaa aad u wanaagsadaadey xiriirka Raysalwasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xiriirkaas oo gaarey in si muuqata Madaxweynaha Somaaliya u amaano siyaasadda Itoobiya ee ku aadan gobolka, iyada oo la xusuusto doorashadaii 2017 ee uu ku guuleystey Madaxweyne Farmaajo in lagu doortey caro loo qabey siyaasaddii Itoobiya iyo galaangalkii Gen Gabre. xiriirka wanaagsanaadey ee Abiy Axmed iyo Famraajo ayaa gaarey in la sameeyo hindise iskaashi ah kaas oo u dhexeeya Adis baba, Muqdisho iyo Casmara laakiin aan wax badan laga ogeyn qorshaha uu ku fadhiyo.

Haddaba xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya Abiy Axmed iyo Farmaajo iyo is-dhiibidda siyaasadeed ee Somaliland si toos ah isugu dhiibtey Adis Ababa ayaa la dhihi karaa waxa uu soo dedejiyey kulankii hordhaca ahaa ee Farmaajo iyo Biixi, iyo qorshaha ka dhashey kulankaas ee booqashada wada jirka ah.

Xog la isku haleyn karo ayaa sheegaysa in Abiy Axmed Raysalwasaaraha Itoobiya uu Muuse Biixi u sheegay in uu jecel yahay in Hargeysa booqdo laakiin kulanka xafiiskiisa ka dhacay ee Biixi iyo Farmaajo uu yahay bilowga qorshaha nabadda Geeska Afrika, waxaana uu ka codsadey Muuse Biixi in uu arintaas aqbalo. Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland oo si u diidan qorshahan, isla markaana si weyn u doonaya booqashada Abiy Axmed ee Hargeysa ayey ku noqotey laba daran mid dooro waxaana uu Abiy Axmed u sheegay in qorshahan uu oggolaadey shakhsi ahaan laakiin uu kala tashanayo Golaha Xukuumadiisa iyo Aqalka Guurida Somaliland.

Kulankii Farmaajo iyo Muuse Biixi waxyaabaha la isla gartey waxaa kamid ahaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu raaligelin toos ah ka bixiyo tacadiyadii taliskii Siyaad Barre ay ka geysteen gobolada Waqooyi ee Soomaaliya, taas oo u noqon karta Muuse Biixi cudur-daar uu sheego in Soomaaliya raaligelin bixisey, inkasta oo qaabka ay Somaliland dooneysey aysan u dhicin ee ahaa in qaraar baarlamaan lagu soo saaro, dhanka kale Farmaajo ayaa dalbadey in Somaliland looga fadhiyo in ay raaligelin ka bixiso tacadiyadii Jamhaddii SNM ay ka geysatey gobolada Waqooyi qaarkeed taas oo aan weli ka soo bixin maamulka Somaliland. Haddaba hadalkii dhawaan ka soobaxay Madaxweyne Farmaajo ee ahaa cudur-daarka ayaa hor dhac u ahaa ayaa la dhihi karaa in loo oggolaado in uu booqasho ku tago Hargeysa.

Somaliland waxaa hor yaala fursad weyn oo ah booqashada Raysalwasaaraha Itoobiya oo siyaasad ahaan ay hadda aad ugu xirmeen in ay tahay muhim, laakiin booqashada waxaa ku laran Madaxweyne Farmaajo oo xiligii xafiiska loo dhaariyey ay ka harsan yihiin bilo qura oo keliya. Somaliland waa ku adag tahay in ay oggolaadaan Abiy Axmed oo keliya oo isagu ah ninka wata qorshaha booqashada Farmaajo ee Hargeysa, sidaas darteed waxay gelisey dirqi iyo ciriiri siyaasadeed iyo laba daran kala dooro, waxa taas u dheer sida ay shacabkooda ugu qancin karaan booqashada Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo ay og yihiin in Farmaajo aaminsan yahay in uu yahay Madaxweynaha Hargeysa sida uu u yahay in uu yahay Madaxweynaha Muqdisho.

Guusha Farmaajo

Haddii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu booqasho ku tago Hargeysa waxay noqoneysa mid kamid ah guulaha ugu waaweyn ee uu ololaha doorashada ku galo isla markaana ku beddelo Sheekada siyaasadeed ee hadda jirta (Change the narrative), horey uma dhicin in Madaxweyne Soomaaliyeed booqdo Hargeysa kadib sideetamaadkii ee Maxamed Siyaad Barre, sidoo kale waxay alabaabka u fureysa wada hadal siyaasadeed oo dhab ah lagana wada hadlo midnimada dalka.

Waxay fariin cad u direysaa beesha caalamka ee ku daashey in ay Hargeysa iyo Muqdisho isugu keenaan miiska siyaasadeed, waxayna noqon kartaa albaabka ugu horeeya ee laga soo galo siyaasadda midnimada dalka.

Raysalwasaaraha ku guuleystey biladda Nobel Prize

Dr Abiy Ahmed ayaa sanadkii 2019 ku guulesytey abaal marinta caalamiga ah ee Alfred Nobel ee nabadda ee lagu bixiyo magaalada Oslo. Haddaba Abiy Axmed waxa uu dhisayaa aqoonsigiisa caalamiga ah waxaana arrintan u tahay qorshe kale oo uu nabadda uga sii shaqeyn karo loona arko in uu yahay shakshi keeni kara xal siyaasadeed, Abiy Axmed waxa uu dhawaan galayaa doorashooyin, waxaana dalkiisa uga furan dhibaatooyin aad u badan oo ay sababeen siyaasadaha qawmiyadaha, haddii uu ku guuleysto arrintan ee Somaliland iyo Dowladda federaalka ayuu muujinayaa in uu yahay siyaasi door muhim ah oo nabadeed ku leh Geeska Afrika.

Wejigabaxa siyaasadeed ee Muuse Biixi

Haddii Madaxweyne Farmaajo u tahay guul siyaasadeed booqashada Hargeysa waxay weji gabax siyaasadeed ku noqoneysaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee kamid ah siyaasiyiinta hadalada beenta ah ku fogeeyey shacabkiisa isla markaana lagu doortey in uu ahaa Jamhad dhib badan u soo marey Somaliland. Inkasta oo aysan horseedeyn kacdoon shacab, ama mid ciidan marka la eego qaabka siyaasadeed ee Somaliland u dhisan tahay, laakiin, waxay xoojineysaa in ay kor u kacdo awooda iyo dhaq-dhaqaaqa kuwa aamisan midnimada dalka una arka Somaliland in gooni istaageedi wax weyn lagu gaarey laakiin aqoonsi dal madaxbanaan aan marna la gaareyn.

Qore: Ismail Haji Said

aumusse@gmail.com

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Alla Maxaad Been mal-maluuqday adoo is leh Somaliland go’doon bay gashay. Adeer may galin galina mayso.

    Farmaajana Hargeisa iman maayo.

    Midhaas ku bushaarayso.