Booqashada Qoor Qoor ee Gaalkacyo

Published: March 3, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, oo safar shaqo ku tegay magaalada Gaalkacyo galinkii dambe ee maanta, ayaa waxaa si wayn u soo dhaweeyay Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Galmudug, Xildhibaanno ka tirsan dowlada Federaalka, maamulka Degmada Gaalkacyo iyo kan gobolka Mudug, mas’uuliyiin kale iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Madaxweynaha Galmudug ayaa kulan la qaadan doono qeybaha bulshada ee magaalada, waxaana magaalada Gaalkacyo la qorsheeynayaa in dhawaan ay ka bilaabato doorashada Qaar ka mid ah Xildhibaannada, maadaama ay Gaalkacyo tahay magaalada 2aad ee deegaan doorashada Galmudug.

Booqashada Qoor Qoor ayaa salka ku heysa khilaaf weyn oo ka taagan qaar kamid ah kuraasta Xildhibaanada Golaha Shacabka ee yaala koonfurta Gaalkacyo oo ay qaar kamid ah beelaha kuraastaas leh si weyn uga soo horjeesteen qaabka loo maareeyey asteyta kuraastaas.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *