Booqashadii EYL ee siyaasi Eng. Jebiye -SAWIRO

Published: September 15, 2020

Madaxda Sare ee Urur siyaasadeedka Cadaalad iyo Sinaan oo safar shaqo ku tagay EYL


.
Wafdi uu hogaaminayay Gudomiyaha Ururka Cadaaladda iyo Sinaanta Siyaasi Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye iyo xubno sare oo ka tirsan Ururka ayaa safar ku tagay Degmadda qadiimiga ah ee Eyl iyo degaanada ku xeeran

Guddoomiyaha iyo wefdigiisa ayaa kulan ballaaran la qaatey dadweynaha ku dhaqan degmada EYL iyo nawaaxigeeda, kadib markii si maqaam sare leh loogu soo dhaweeyey wefdiga.

Kulanka dhex marey dadweynaha iyo madaxda urur siyaasadeedka CADDAALADDA IYO SINAANTA ayaa diirada lagu saarey taas oo u badneyd sida shacabka EYL qayb uga qaadan lahaayeen taageerada ururkan leh afkaarta hormarineed ee horusocdka ah.

Eng Maxamuud Jebiye ayaa khudbad dheer oo dhinacya badan taabanaysa ka jeediyay kulanka waxaa uu si qotodheer uga hadlay ururka uu hogaanka u yahay iyo qorshadooda siyaasadda Puntland iyo tan Soomaliya. Siyaasi Maxamuud ayaa si adag uga hadlay xaaladda Dekada Boosaaso iyo Mashruuca wadada isku xirta Gaalkacyo Iyo Garowe,waxaana uu dhaliilay habka loogu gacangaliyay shirkado shisheeye oo aan qorshe u hayn.

Wafdiga ayaa socdaalkooda shaqo kaga soo amba-baxay Eyl waxaa ay usoo kicitimeen Degaanada Xasbahale iyo Deegaanka Diilin Maaxato waxaa soo dhawayn loogu sameeyay dhamaan degaanada lagu soo dhaweeyay waxaana dadka degaanadaasi ay muujiyeen taagerada ay u hayaan Ururka haya wadada guusha Madaxda ayaa kulan la yeeshay dadka deeganadan oo talooyinkooda soo jeediyay.

Eng. jebiye ayaa horey u booqdey degmooyinka Ufeyn iyo Qardho halkaas oo uu kula hadley taageerayaasha ururka iyo dadka ku dhaqan degmooyinkaas isaga oo ku dhiirigeliyey in ay taageeraan Caddaaladda iyio Sinaanta iyo fikradihiisa horusocdka ah.

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *