Booqashadii Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee degmada Jariiban oo Soo Dhamaatay [Sawiro]

Published: February 28, 2012

Wafdi balaaran oo u hogaaminayo gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa soo gaba gabeyay socdaal iyo booqashooyooyin maalmo qaatay oo ay ku tageen degmada jariiban oo ka tirsan gobolka Mudug .

Wafdiga gudoomiyah ayaa intii ay ku sugnaayeen degmada Jariiban waxay kulamo iyo shirar kala duwan la yeesheen maamulka degmada iyo shacabka ku nool degmada Jariiban waxaana kulamadaas ay ku lafa gureen kor u qaadida adeegyada bulshada degmada iyo dabar goynta haraadiga kooxaha burcad-badeeda soomaalida .

Sidoo kale wafdigan gudoomiyaha ayaa booqashooyin ku tagay deegaan xeebyo ka tirsan degmada jariiban oo ay ka mid yihiin degaanada Garacad ,kulub, dhinawda qoryo-weyn , il-foocshe oo dhamaantoodba ahaa fariisimihii kooxahii burcad-badeeda ee dhawaan laga baacsaday deeganadas.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed yuusf Jaamac (Tigey) oo hogaaminayay wafdigan ayaa kulamo iyo xog wareysiyo kala duwan la yeeshay qaar ka mid ah shacabka ku nool deeganadii laga saaray kooxaha burcad-badeeda waxayna ka wada hadleen sidii maamulka gobolka Mudug uu uga qayb qadan lahaa hormarinta dhanka adeeg bulshada deegaanadas.

Gudoomiye Tigey ayaa ugu bishaareeyay dhamaan deegaandii ay soo mareen oo ka tirsanaa degmada Jariiban in kor loo qaadi doono maamulkooda islamarkaa ay heli doonaan adeegyada cafimaadka iyo waxbarshada oo haatan ku yar degmada Jariiban .

Ugu danbaytii maamulka gobolka Mudug ayaa aad ugu hanbalyeeyay shacabka iyo waxgaradka degmada jariiban oo uu ugu horeeyo Garaad Maxamed Cilmi shirwac iyo Cabdicasiis aw yuusf Xaarin oo lagu amaanay shaqada taariikhiga ah ee ay u qabteen degmada iyo kacdoonkii shacabka ee ku salaysnaa ladagaalanka burcad-badeeda.

Axmed Maxamed Cali [Caano-Geel]

Horseed Media

Gaalkacyo-Puntland