Boosaao: Wasaaradda Kaluumaysiga Puntland oo ka warbixisay Kalluun badan oo soo caariyey

Published: February 15, 2012

Maamulka wasaaarada kaluumaysiga iyo khayraadka badda ee Puntland ayaa ka warbixiyey kaluun badan oo kasoo caariyey xeebta magaalada Boosaaso.

Agaasimaha guud ee wasaaradda kaluumaysiga iyo khayraadka badda Cabdiwaaxid Maxamed Xirsi (Joocaar) oo Horseed Media u waramay ayaa arintaas ka hadlay.

Wuxuuna sheegay in sababta kaluunkan oo ah nooca yar yar ee (Carabida) loo yaqaan uu banaanka ugu soo baxay ay tahay mid si dabiici ah u dhacay haseyeeshee aysan ahayn mid sababo kale ku timid.

Joocaar ayaa mar ay Horseed Media weydiisey in arintani ay tahay mid xeebaha magaalada Boosaaso ku eg iyo in kale wuxuu sheegay in ay jiraan deegaano kale oo lagu arkay isagoo intaas raaciyey in kaluunkani uu kasoo caariyey ilaa xeebaha dalka Yemen.

Dhinaca kale qaar kamid ah dadka badda ka shaqeysta iyo khubaro cilmiga badaha aqoon u leh oo ay Horseed Media arintaas wax ka weydiisey ayaa sheegay inay tahay wax iska caadi ah, sanad walbana ay jirto xilli kalluunka Caydiga loo yaqaan uu badda kasoo baxa sababo la xiriira isbedelka cimilada.

Waana markii 2-aad ee intii lagu guda jirey sanadka cusub ee 2012 uu kalluun kasoo caariyo xeebta magaalada Boosaaso, 17/1/2012 ayeyna ahayd markii sidan oo kale kaluun yar yar oo dhowr Tan lagu qiyaasay uu xeebta magaalada Boosaaso kasoo caariyey.

Horseed Media