Boosaaso: Bandhig hidaha iyo dhaqanka ku saabsan oo Jaamacadda EAU ka furmay [Sawiro]

Published: February 25, 2012

Waxaa maatna xarunta Jaamacadda Bariga Africa ee magaalada Boosaaso ka furmay bandhig hidaha iyo dhaqanka ku saabsan oo mudo 7-maalmood ah socon doona.

Bandhigan oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee abid ka dhaca magaalada Boosaaso ayaa waxaa sameeyey ardayda wax ka barta qaybaha kala duwan ee Jaamacadda Eest Africa University Boosaaso.

Munaasabadii bandhigan hidaha iyo dhaqanka ku saabsan lagu daah furayey oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimey ayaa waxaa kasoo qayb galay boqolaal qof oo mas’uuliyiin dowlada ka tirsan, arday, iyo marti sharaf kaleba isugu jirey.

Waxaana madaxda joogtey kamid ahaa Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan, Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdallah Xasan iyo mas’uuliyiin kale oo Isimo, ganacsato, iyo aqoonyahanba isugu jirey.

Mas’uuliyiin tira badan ayaa madashaas ka hadlay waxayna dhamaantood ku dheeraadeen sida ay ugu faraxsan yihiin ulana dhacsan yihiin dadaalka ay ardaydu sameeyeen iyo sida ay u jecel yihiin inay dhaqankooda soo nooleeyaan.

Maamulka Jaamacadda EAU ayaa iyaguna sheegay inay ku dhiiri geliyeen ardaydooda sidi ay bandhiggan u samayn lahaayeen maadaama ay lagama maarmaan tahay in dhalinta yar yari ay dhaqanka iyo hidahooda soo jireenka ah wax ka bartaan.

Waxyaaba bandhiga maanta xarunta weyn ee Jaamacadda Bariga Africa ee Boosaaso ka furmay la keenay ayaa dhamaantood ahaa kuwo si aad ah uga yaabiyey dadkii kasoo qayb galay waxaana kamid ahaa:

  • Dhowr aqal Soomaali oo waaweynkuwaasoo Jaamacadda dhexdeeda laga dhisay.
  • Awr raran.
  • Fardo.
  • Ari xeryo ku jira.
  • Iyo Lo’.

Sidoo kale waxaa goobta oollaa in badan oo kamid ah qalabka hidaha iyo dhaqankaoo ay kamid ahaayeen:

  • Dhiilo.
  • Haamo.
  • Xeerooyin.
  • Fandhaalo.
  • Kebdo.
  • Salliyo.
  • Qufado.
  • Haruubyo.
  • Xabab
  • Iyo Masarafado.

Horseed Media