Boosaaso: Bandhiggii hidaha iyo dhaqanka ee Jaamacadda EAU oo soo xirmay [Sawiro]

Published: February 29, 2012

Waxaa maanta soo gaba gaboobey bandhig hiddaha iyo dhaqanka ahaa oo ay sameeyeen ardayda wax ka barta kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda bariga Africa faraceeda magaalada Boosaaso.

Bandhiggan oo socdey mudo 7-maalmood ah ayaa waxaa usoo daawasho tegayey maalin walba dadweyne ay tiradoodu 1000-qof ka badan tahay.

Waxaana munaasabadii maanta lagu soo xirayey oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey kasoo qayb galaymas’uuliyiin ka tirsanmaamulka gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso.

Sidoo kale waxaa munaasabadaas joogey marti sharaf kale oo aqoonyahan, Isimmo, gacansato iyo suugaan yahan isugu jirey, iyadoo barxadda hore ee Jaamacadda iyo hoolkeeduna ay ahaayeen kuwo si aad ah u camiran.

Bandhiggan oo ahaa kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ka dhaca magaalada Boosaaso waxaa sameeyey ardayda dhigta kuliyadaha Jaamacadda EAU oo ah Jaamacadda ugu weyn Puntland.

Waxyaabaha bandhiggan la keenay oo dhamaantood ahaa kuwo ka turjumaha dhaqanka iyo hidaha Soomaalida waxaa kamid ahaa:

  • Dhowr aqal Soomaali oo waaweynkuwaasoo Jaamacadda dhexdeeda laga dhisay.
  • Awr raran.
  • Fardo.
  • Ari xeryo ku jira.
  • Iyo Lo`.

Sidoo kale waxaa goobta oollaa in badan oo kamid ah qalabka hidaha iyo dhaqankaoo ay kamid ahaayeen:

  • Dhiilo.
  • Haamo.
  • Xeerooyin.
  • Fandhaalo.
  • Kebdo.
  • Salliyo.
  • Qufado.
  • Haruubyo.
  • Xabab
  • Iyo Masarafado.

 

Gaba gabadiina waxaa abaal marino iyo shahaadooyin la gudoonsiiyey kuliyadihii kaalimaha 1-aad ka galay waxyaabihii lagu tartamay oo ay kamid ahaayeen:

  • Qur`aanka.
  • Aqoonta guud.
  • Suugaanta.

Horseed Media