Boosaaso: Dayactir ku socda Jidka weyn ee Laamiga ah [Sawiro]

Published: February 22, 2012

Waxaa meel fiican maraya howlo dayactir ah oo beryihii u danbeeyey lagu wadey wadada Laamiga ah ee marta bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga iyo dhaqaalaha Puntland.

Mashruuca jidkan lagu dayactirayo oo qayb ka ah mashaariic 4-ah oo ku jira barnaamijka horumarinta degmooyinka ee JPLG ayaa waxaa fulinaya shirkadda dayactirka wadooyinka ee El-Gar.

Qaybo kamida wadada laamiga ah oo burbur xoog lihi uu ka muuqdey ayaa xiligan ah kuwo dib loo habeeyey kadib markii dhowrkii beri ee lasoo dhaafay ay shaqo xoog lihi ku socotey.

Inta u dhexeysa Hotel Nakhiil iyo xarunta dowlada hoose ee degmada Boosaaso ayaa maanta laga dheehanayey isbedel xoog leh kadib markii goor hore oo saaka ah Daamur lagu shubay.

Dhinaca kale waxaa dhowaan la qorsheynayaa in iyadana Laami laga dhiga wadada isku xirta Airport-ka iyo xarunta dowlada hoose ee degmada, wadadaas oo dhowr todobaad kahor loo diyaariyey sidii Laami loo saari lahaa.

Si kastaba ha ahaatee heshiiska jidadka magaalada Boosaaso laamiga looga dhigayo oo lakala saxiixday 2/2/2012 ayaa u muuqda mid si weyn wax uga bedli doona bilicda iyo isu socodka dadka iyo gaadiidka ee magaalada Boosaaso.

Waxaana mashaariicda dayactirka wadooyinka ee Boosaaso ka socda si aad ah usoo dhoweeyey bulsho weynta ku dhaqan magaalada Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari.

Horseed Media

Boosaaso