Boosaaso: Dekedda oo la qodayo iyo gaadiidkii duugga ahaa oo saaka laga daabulay [Sawiro]

Published: February 7, 2012

Waxaa meel fiican maraya hawlo dayactir ah oo beryihii u danbeeyey laga wadey dekedda magaalada Boosaaso, gudaha dekedana waxaa saaka ka bilowday daabulka gaadiid badeed in mudo ah dhex oolaa kuwaas oo ay dadkii lahaa kula bixi waayeen wakhtigii loo qabtay.

Wasiirka gaadiidka badda, dekedaha, iyo la dagaalanka Burcad-badeeda ee Puntland Eng. Siciid Maxamed Raage oo markii daabulka gaadiidkaasi uu soo gaba gaboobey kadib Saxaafadda shir u qabtay ayaa ka warbixiyey meesha ay howlihii dayactirka ahaa ee dekedda ka socdey marayaan.

Wasiirku wuxuu sheegay in la qoday qaybo badan oo dekedda kamid ah lana wado baneynta agagaarka dekedda iyo weliba sidii gudeheeda looga saari lahaa gaadiid badeed tira badan oo uu sheegay inay in mudo ah ku jireen islamarkaana ay xanibeen shaqadii dekedda, derbiga marsadana waxyeelo u geystey.

Eng. Siciid ayaa mar aan weydiiney sababta ka danbeysa in la baneeyo afaafka hore ee dekedda oo dhowr mar oo hore dhismayaal ku oolaa laga burburiyey wuxuu sheegay in wasaaradu ay qorsheyneyso dhismaha bakhaaro waaweyn oo ay dekeddu yeelato, barxado gaadiidka laga rabo, iyo weliba qaybo matoorada iyo qalabka kale ee dekedda la dhigo sidaas darteedna ay tahay in la helo dhul banaan oo ay dekeddu ku fiddo.

Mr Raage waxa uu ugu danbeyntii ugu baaqay ganacsatada iyo dhamaan qaybaha kale ee bulshada inay dowlada ka caawiyaan sidii loo teyeyn lahaa dekedda oo ah isha 1-aad ee dhaqaalaha Puntland, si dhaqaalaha loo kobciyana ay lagama maarmaan tahay in ganacsatada iyo dareewalada gaadiidka xamuulku ay kaalintooda qaataan.

Todobaad kahor ayey ahayd markii ay wasaarada gaadiidka badda, dekedaha, iyo la dagaalanka Burcad-badeeda ee Puntland amar ku bixisay in dadka iska leh gaadiidka mudada badan dekedda ku xirnaa ay kala baxaan maadaama dekedda dhexdeeda la qodayo, in badan oo dadkii amarkaasi khuseeyey ah ayaa durbadiiba fuliyey haseyeeshee waxaa jira qaar badan oo ka madax adaygay.

Waxaana xusid mudan in gaadiid badeedka maanta dekedda laga dhex guray oo u badan doomaha yar yar ee dheereeya intooda badani ay ahaayeen kuwo ciidamada baddu ay ka qabteen kooxaha dadka tahriibiya iyo kuwa burcad-badeeda ah.

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir

Horseed Media

Boosaaso