Boosaaso: Dr.Siciid Cali Shire oo R.ganacsiga Buugaag Kusoo Bandhigay [Sawiro]

Published: February 28, 2012

Magaalada Boosaaso waxaa maanta lagu soo bandhigay dhowr buug oo horumarinta ganacsiga iyo dhaqaalaha laga qoray.

Buugtan oo 3 ah waxaa qoray Dr. Siciid Cali Shire, waxaana lagu soo bandhigay xarunta rugta ganacsiga iyo wershedaha ee Puntland.

Dr-ka ayaa mar uu ku suugnaa munaasabad aqoon isweydaarsi lagu soo xirayey oo maanta rugta ganacsiag ka dhacday Horseed Media u waramay.

Wuxuuna sheegay in qoraalka Buugaagtani uu mudo 5-sano ka badan ku qaatay, islamarkaana ay tahay markii ugu horeysey ee uu rugta ganacsiga ee Puntland kusoo bandhigo.

Dr. Siciid Cali Shire ayaa dhinaca kale mar aan wax ka weydiiney faa’iidada ay Buugaagtani ganacsatada u leeyihiin wuxuu sheegay inay ka caawin doonaan sidii ay ganacsigooda u horumarin lahaayeen.

Isagoo intaas raaciyey in ganacsatadu sidoo kale ay 3-dan Buug ka dheehan doonaan macluumaad tira badan oo ku aadan sida looga gaashaanto caqabadaha horseeda in ganacsiga iyo maareynta dhaqaalaha lagu fashilmo.

Buugaagta maanta rugta ganacsiga lagu soo bandhigay oo horay meelo badan oo dalka iyo dibaddiisa kamid ahba uu Dr-ku ugu soo bandhigay ayaa kala ah:

1- Furaha Ganacsiga

2- Hogaamiye

3- Bangiyada Islaamka

Horseed Media