Boosaaso: Heshiis ku aadan Jid Laami la saarayo oo maanta la kala saxiixday [Sawiro]

Published: February 2, 2012

Munaasabad balaaran oo lagu saxiixayey heshiiska dhisme lagu bilaabayo mid kamid ah wadooyinka magaalada Boosaaso ayaa maanta ka dhacday hoolka shirarka ee xarunta maamulka degmada.

Munaasabadan oo ay kasoo qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirada ee Puntland, golaha deekaanka ee Boosaaso, Isimo, Aqoonyahan, Ganacsato, haween iyo dhalinyaro ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay islamarkaana aayado qur’aan ah ku furay sheekh Cabdirisaaq Xuseen Ciise, Sheekhu wuxuu ku dheeraaday sida ay diinta Islaamku u cadaysey faa’iidada ku jirta dayactirka wadooyinka, isagoo sheegay inay wanaagsan tahay in bulshadu wixii danteeda ah ay ka wada shaqeyso maadaama aysan dalka ka jirin dowlad awood leh oo dabooli karta dhamaan baahiyaha ay bulshadu qabto.

Intaas kadib waxaa hadalka qaatay duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalle Xasan, wuxuuna ka warbixiyey ujeedada kulanka maanta la isugu yimid isagoo tilmaamay inuu yahay mid lagu kala saxiixanayo heshiis ay wada gelayaan maamulka degmada, Guddiga horumarinta degmada, iyo shirkadda dhismaha ee El-Gar kuna aadan sidii laami loo saari lahaa wadada ka tagta xarunta dowlada hoose ee Gaaca taas oo aada Airport-ka iyada oo hor maraysa Hotel Jubba, Eeneeye, iyo garoonka kubadda cagta ee Boosaaso

Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Maxamed Gallan oo isna duqa kadib hadlay ayaa sheegay in howshan hirgelinteeda dadaal badan lagu soo bixiyey, wuxuuna gudoomiyuhu mahad balaaran usoo jeediyey guddiga horumarinta degmada oo iyagu howshan bilaabay, mudane Gallan wuxuu ugu danbeyntii ugu baaqay bulshada inay arintan kaalintooda ka qaataan islamarkaana ay maamulka degmada kala shaqeeyaan sidii bilicda magaalada kor loogu qaadi lahaa.

Wasiir ku-xigeenka wasaarada howlaha guud iyo gaadiidka Cabdishakuur Mire Aadan oo madashaas si kooban uga hadlay ayaa sheegay in heshiiska maanta lakala saxiixday uu yahay bilow fiican oo ay magaalooyinka kale ee Puntland Boosaaso kaga dayan doonaan, mudane Cabdishakuur waxa kale oo uu xusay in dhismaha jid 1km ahi aysan ahayn wax weyn marka xiliga maanta la joogo laga fiiriyo balse ay bulshoweynta Puntland u tahay horumar gaar ah maadaama ay tahay markii ugu horeysey oo ay dowlada iyo shacabkeeda oo is kaashanayaa talaabo noocan oo kale ah si wada jir ah u qaadaan.

Wasiirka amniga ee Puntland Khaliif Ciise Mudan oo isagu kulankii maanta xarunta dowlada hoose ee degmada Boosaaso ka dhacay soo xiray ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay kasoo qayb galkiisa munaasabadan oo uu tilmaamay inay tahay mid laga dheehan karo waxqabadkii ugu balaarnaa ee maamulka hada jiraa uu sameeyey, wasiirka amnigu waxa kale oo uu bulshada ugu baaqay in marka dhismaha wadadan la bilaabo ay ka ilaaliyaan wax walba oo shaqada laga wado carqaladayn kara.

Intaas kadb waxaa dhacay heshiiska qandaraaska oo ay qaadatay shirkadda dhismaha ee El-Gar waxaana si wada jir ah u saxiixay Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalle Xasasn, Gudoomiye ku-xigeenka gudiga horumarinta degmada Boosaaso Maxamed Caydiid Jaamac, iyo Gaar Yaasiin Axmed oo ah maamulaha shirkada dhismaha wadooyinka ee El-Gar.

Waa markii ugu horeysey oo ay maamulka iyo bulshada magaalada Boosaaso iska kaashadaan hirgelinta mashruuc noocan oo kale ah, wadada laamiga laga dhigayo oo dhererkeedu 1.25km yahay ayaa kharashka ku baxaya intiisa badan waxaa bixiyey ganacsatada iyo mulkiileyaasha iska leh dhismayaasha wadadaas oo jidadka magaalda ugu muhiimsan kamid ah hareeraheeda ku yaal.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir

Horseed Media

Boosaaso