Boosaaso oo lagu qabtay kulan looga hadlayo ka hortagga tacadiyadda.

Published: December 2, 2019

Kulankaan ayaa diirada lagu saarayay wacyigelin la xiriirta sidii looga hortagi lahaa tacadiyada ka dhanka ah jinsigga {SGBV} ee ka dhaca Magaalada Boosaaso, Hay’ada Kaalo oo gacan ka helaysa Hay’ada UNCHR ayaa u qabatay kulankan wactigelinta ah 50qof oo isugu jirra Qaxootiga Yamaniyiinta iyo Ethopiaanka ah ku dhaqan Magaalada Boosaaso.


Ujeedada kulankaan wacyigelinta ah ayaa salka ku haysa in kasoo qaybaglaaayshu ay Bartaan macnaha loola jeedo  tacadiyada  ku salayasan Jinsiga, Macanaha loola jeedo denbiile iyo Badbaade,  Kufsigu iyo Noocyaduu u qaybsamo, iyo Talaabooyinka la qaadayo marka loo Adeegaayo Dhibanayaasha.

Madaxa Hay’ada Kaalo ee Magaalada Boosaaso Cabdicasiis Siciid  Maxamed waxa uu sheegay in kulamadaaan ay ahmiyad gaar ah u leeyihiin koritaanka iyo fahanka qaxootigga si ay u oggaadaan sidii ay adeeg u heli lahaayeen, dhibaatooyinkana ugga hortagi lahaayeen, sidoo kale waxa uu xusay in lagu jiro 16ka Maalmood ee Qaramada Midoobay u astaysay ka hortagga tacadiyadda ka dhanka ah jinsigga.

Suldaan Cabdulqaadir Siciid Cali  ayaa Booriyey ka soo qaybaglayaasha in ay ku baraarugsadaan wacyigelintaa loo samaynayo, Sidoo kale Sheikh Salaad Maxamed Cismaan  oo Dhankiisa hadlay ayaa sheegay in diintu ay meel adag ka sitaagtay tacadiyadda loona baahan yahay in laga hortaggo dhamaan wixii keeni karra.

Shamis Mahad  Bulxan ku xigeenka Isu-duwaha  Wasarada Haweenka iyo Arimaha Qoyska ee Gobolka  Bari  Ayaa Hay’ada Kaalo ku boorisay kaalinta hagar la’aaneed ee ay la garab taagan tahay Qaxootigga, sidoo kale waxay ka qaybgalayaasha ku dhiirisay in ay ka faaidaystaaan.

Horseed Media, 2019


Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *