Boosaaso: Sidee wefdiga Maraykanka ah ee u socdey PSF mar kale safarkoodi loo carqaladeeyey?

Published: April 29, 2024

Waxaa maanta oo Isniin ah magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland laga sugaayey in ay yimadaan wefdi sare oo ka socdey Dowladda Maraykanka kuwaas oo ay ka mid ahaayen diblomaasiyiin iyo saraakiil ciidan kuwaas oo Puntland horey uga taageeri jirtey la dagaalanka argagixisada kuwaas waxaana ay la shaqeyn jireen Puntland Security Forces muddo ka badan 20 sano.

Ciidamada PSF ayaa la dhisey sanadkii 2002, dowladda Maraykanka ayaa ka taageeri jirtey la dagaalanka argagixisada.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa marna wada shaqeyn wanaagsan la yeelan ciidanka PSF ee Maraykanku taageero tan iyo markii la doortey sanadkii 2019.

Kadib markii Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Dani dib loo doortey janaayo 2024, waxa uu bilaabey in uu hagaajiyo xiriirka isaga iyo ciidanka PSF, waxa uu kulamo badan la qaatey sarkaalka u sareeya PSF Gen Mohamud Osmaan, waxaana lagu heshiiyey in amniga gobolka Bari gacanta lagu qabto dagaalna lagu qaado kooxaha argagsixsada ah.

Dowladda Maraykanka ayaa dib u soo celisey hawlgaladii Soomaaliya kadib doorashadii Madaxweyne Biden, kadib markii Madaxweyinhii ka horeeyey uu ciidamada maraykanka kala baxay Soomaaliya.

Wefdiga Maraykanka oo amnigooda ay sugi lahaayeen ciidanka ay u socdeen ee PSF ayaa maanta ka baaqdey safarkoodi, kadib markii lagu wargeliyey ciidanka PSF inaysan garoonka diyaaradaha ee Booosaaso imaan karin, wefdiga Maraykanka ayaa ku doodey in ay u socdaan PSF, garoonkana ay ugu imaanayaan ilaalo ka socota PSF iyo taliyaha PSF, waxay sheegeen in ay u yihiin in saraakiisha kale ee Puntland ay ku arki karaan garoonka diyaaradaha laakiin safarkoodu ku wajahan yahay xarunta PSF ee Boosaaso.

Waa markii labaad ee wefdiga Maraykanku ay ka baaqdaan safar ay ku imaan lahaayeen Boosaaso gaar aaan xarunta PSF, bishii Maarso ee sanadkan ayaa saraakiil ka socotey AFRICOM oo ka soo duuley Jabuuti ay hawada dib uga noqdeen.

Sida Horseed Media ogaatey safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa xiriir dhaw la sameysey Madaxweyne Deni, kadib baaqashadii hore ee bishii Maarso ee sanadkan waxaana ay ku wargelisey ujeedka safarkooda maanta oo isniin ah iyo cidda ay u socdaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa oggolaadey qorshaha safaaradda maraykanka ee Soomaaliya u soo jeedisey ee imaanshaha wefdiga mar labaad, waxaana uu sheegay in uu la shaqeynaayo dowladda Maraykanka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa dhawaan ku dhawaaqey in uu xiriirka u jaray dowladda federaalka ah, waxaana uu beesha caalamka oo Maraykanku ku jiro ka codsadey in ay si gaar ah ula shaqeeyaan Puntland, gaar ahaan arrimaha hormarinta iyo gargaarka bini’aadanimo oo aan waxba loo soo marin Muqdisho.

Haddaba, waxaa la isweydiinayaa sida ay isu waafaqayaan wada shaqeynta Madaxweynaha Puntland uu ka doonaayo beesha caalamka iyo sida uu ula dhaqmaayo wefdiga dowaldda Maraykanka oo kamid ah saaxiibada ugu dhaw ee Soomaaliya.

HORSEED MEDIA