Boosaaso: Ururka PSA Oo Qabtay Munaasabad Ku Aadan Xuska Maalinta Joojinta FGM-ka [Sawiro]

Published: February 6, 2012

Waxaa galabta magaalada Boosaaso ka dhacday munaasabad balaaran oo lagu xusayey maalinta cirib tirka gudniinka fircooniga ah (FGM) oo loo asteeyey 6/Feb.

Munaasabadan oo ay so qaban qaabiyeen Ururka ardayda Puntland ee PSA ayaa ka dhacday isla xarunta uruka oo ku taal magaalada Boosaaso, waxaana kasoo qayb galay xubno metelayey qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu horeyn waxaa munaasabadaas furay kana warbixiyey ujeedooyinkeeda Mustafe Maxamed Cabdiraxmaan oo ka tirsan ururka PSA, wuxuuna sheegay inay tahay sidii loo muujin lahaa bulshadana loogu soo badhigi lahaa dhibaatooyinka uu gudniinka gabdhuhu leeyahay isagoo tilmaamay in gudniinkaasi uu yahay mid aan diinta Islaamku ogoley.

Shemis Mahad Bulxan oo iyana ka socotey xafiiska wasaarada haweenka ee gobolka Bari ayaa goobta ka hadashay waxayna ku dheeraatay dhibaatooyinku uu gudniinku dhaxalsiiyo gabdhaha iyadoo intaas raacisey in dhowrsoonaantu aysan ku jirin in gabadha la jar jaro lana waxyeeleeyo balse ay ku jirto in wax la baro si ay xumaanta uga fogaato.

Munaasabadan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay Filim muujinaya waxyeelada hablaha Soomaaliyeed kasoo gaarta gudniinka Fircooniga ah iyo Barnaamijiyo wacyi gelin ah oo ururka ardayda Puntland ee PSA uu u sameeyeen bulshada qaybaaheeda kala duwan kuna aadanaa joojinta FGM-ka.

Intaas kadib waxaa ka qayb gelayaashu ay ka dooodeen su`aalo dhowr ah oo la dhex dhigay kuwaas oo ay kamid ahaayeen:

1- Waa maxay aragtidaada ku aadan gudniinka gabdhaha?

2- Ma aragtay gabar gudniinka dhibaato kala kulantay?

3- Sidee ugu haboon lagu joojin karaa gudniinka Fircooniga ah?

4- Iyo sidee uga qayb qaadan kartaa barnaamijyada wacyigelinta ah ee ku aadan joojinta FGM-ka?

Ugu danbeyntii waxaa goobta ka hadlay xiriiriyaha ururka ardayda Puntland ee PSA Cabdixakiim Fil-Fil wuxuuna sheegay in ururkoodo ay in mudo ah soo wadeen barnaamij wacyi gelin ah oo ku aadan joojinta gudniinka Fircooniga ayna ku rajo weyn yihiin in wax badani kasoo baxaan.

Fil-Fil ayaa hadalkiisa kusoo afmeeray inay si aad ah ugu faraxsan yihiin in tira intaas le`eg oo dad ahi ay xuska maalinta joojinta FGM-ka kala soo qayb galaan, wuxuuna ka qayb gelayaasha ugu baaqay in macluumaadka ay faa`iideen ay u gudbiyaan bulshada inteeda kale.

Si kastaba ha ahaatee munaasabada maanta ka dhacday xarunta ururka ardayda Puntland PSA ee Boosaaso ayaa ahayd mid si weyn loo soo qaabeeyey waxaana kasoo qayb galay in ka badan 100 qof oo ka kala tiran bulshada qaybeheeda kala duwan.

Horseed Media

Boosaaso