Boosaaso: Wasaarada Dekedaha Puntland oo dhisme qadiim ah Dekedda horteeda ka dumisey

Published: February 1, 2012

Wasaarada gaadiidka badda, dekedaha, iyo la dagaalanka Burcad-badeeda ee Puntland ayaa maanta bilowday olole lagu burburinayo dhismayaasha qadiimka ah iyo kuwa kale ee cooshadaha ka sameysan ee ku yaala iridda iyo hareeraha dekedda.

Dhismihii ugu horeeyey ee maanta dumintiisa lagu guuleystey ayaa ahaa guri qadiim ah kaas oo mudo nus qarni kahor ah laga dhisay goobta ay hada dekeddu ku taal oo xiligaas meel banaan ahayd.

Wasiirka wasaarada gaadiidka badda, dekedaha, iyo la dagaalanka Burcad-badeeda ee Puntland Eng. Siciid Maxamed Raage oo intaas kadib Saxaafadda shir ugu qabtay xafiiskiisa oo ku yaala gudaha dekedda ayaa ka warbixiyey ololaha burburinta dhismeyaasha ah ee ay maanta bilaabeen.

Wasiirku wuxuu sheegay in howshani ay tahay mid looga gol leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa bilicda dekedda iyo guud ahaan magaalada Boosaaso maadaama ay tahay caasimada dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Puntland.

Mar wasiirka la weydiiyey sida ay ugu suurtagashay dowlada ina ogolaanshaha duminta dhismahan ka hesho dadka iska leh oo iyagu dhowr mar oo horay loo dumin lahaa diidey ayuu sheegay in kulan dheer oo ay la qaateen kadib ay isku afgarteen in gurigaas dekedda laga hor burburiyo iyagana la siiyo wixii ay xaq u yeeshaan.

Eng. Siciid wuxuu dhinaca kale u mahad celiyey maamulka dowlada hoose iyo maamulka dekedda isagoo sheegay inay howshan gacan weyn ka geysteen, Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa gaba gabadii ugu baaqay ganacsatada iyo dhamaan Bulshada inay dowlada kala shaqeeyaan sidii dekedda hareeraheeda loo baneyn lahaa arintaas oo uu wasiirku tilmaamay inay tahay mid ku jiraan faa`iidooyin badan oo dhanka ammaanka iyo kor u qaadista bilicda magaalada ah.

Dhowaan ayey ahayd markii dadka degen dhismayaasha dekedda hareeraheeda ku yaal ay wasaarada dekeduhu amar ku siisay inay mudo asbuuc gudhiis ah ku baneeyaan, waana markii 2-aad ee dekedda hareeraheeda dhismayaal ku yaala la bur buriyo laga soo bilaabo bishii October ee sanadkii tegey ee 2011.

 

Horseed Media

Boosaaso