Boqolaal Shacab ah oo kasoo baxsaday xarunta Boko Xaram

Published: January 3, 2018

Kooxda Xagjirka ah ee Boko Xaram ayey ka baxsadeen 700 qof oo ay horey afduub ugu heysteen, dadkaasi oo isugu jiray beeraley, kaluumeysato iyo xoolo dhaqato.

Shacabka ayaa lagu heystay xarun ay kooxdaasi ku leedahay Waqooyi bari dalkaasi Nigeria nawaaxiga xaduuda ay wadaagaan dalkaasi iyo wadanka Chad.

Ciidamada Militariga Nigeria ayaa sheegay in cutubyada ku sugan nawaaxiga magaalada Monguno ay gacanta ku hayaan dadkaasi dib u helay xoriyadooda.

Kooxda Boko Xaram oo bilihii lasoo dhaafay laga saaray xarumo badan oo ay ka talinayeen dhulka waqooyi bari ee wadankaasi ayaa afduub ku heysta dad badan oo rayid ah oo qaarkood ku shaqeystaan halka haween iyo gabdhaha da`ada yarna ay khasab ugu guuriyaan maleeshiyaadkooda.

Afhayeenka Militariga ayaa sheegay in labo kamid ah gabdhihii xaamilada ah ee kamid ahaa boqolaalka soo baxsaday ay ku dhaleen xerada ciidamada ee magaalada Monguno, ayna caafimaad qabaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *