Boqor Burhaan “Madaxweynaha, xisbiyada iyo dhamaan mucaaradka waxaa la idiinka rabaa is-afgarad”.

Published: October 22, 2023
Shares140

Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo wafdi uu hogaaminayo oo saaka kasoo safray magaalada dhaqanka ee Qardho ayaa lagu soo dhoweeyey caasimadda Puntland ee Garoowe.

Boqorka iyo wafdigiisa ayaa waxaa banaanka magaalada kusoo dhoweeyey bulshada iyo isimada gobolka Nugaal oo uu horkacayo Suldaan Siciid Maxamed iyo isimada dhaqanka Jubbaland oo muddooyinkan ku sugnaa caasimadda.

Ujeedka safarka boqor Burhaan ayaa salka ku haya xalinta xiligan khilaafka ka taagan nooca doorasho ee Puntland ka dhacaysa 8da/Janaayo/2024 taasoo ay ka harsan tahay labo bilood.

“Dowladda madaxweynuhu ugu horeeyo, xisbiyada mucaaradka iyo dhamaan mucaaradka waxaan leenahay waxaa la idiinka rabaa is-afgarad” ayuu yiri; Boqor Burhaan.

Maalmaha soo socda ayaa sidoo kale la filayaa inay Garoowe soo gaaraan isimada kale ee Puntland oo ka qaybgalaya kulamada samatabixinta Puntland.

Horseed Media