Boqor Burhaan Oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Suldaankii Guud Ee Soomaaliland – VIDEO

Published: February 13, 2021

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo kamid ah isimada dhaqanka Soomaaliyeed ayaa tacsi u diray dhamaan isimada dhaqanka iyo umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska, qaraabada iyo ehelka uu ka baxay Alle ha u naxariistee suldaankii guud ee beelaha Somaliland Suldan Maxamed Suldan Abdulqadir oo xalay ku geeriyooday magaalda Hargeysa.

Boqor Burhaan oo warbaahinta kula hadlay hoyga uu ka degan yahay magaalada Qardho ayaa ka sheekeeyey aqoontii uu u lahaa suldaan Maxamed, wuxuuna alle uga baryay in uu ku arsaaqo janatul.

Alle ha u naxariistee Suldanka geeriyooday Suldan Maxamed Suldan Abdulqadir ayaa hayey saldanada guud ee beelaha Somaliland taniyo sanadkii 1975 kii.

Hoos ka daawo:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *