Boqor Burhaan oo Lagu Soo Dhaweeyay Saldanada Cumaan-SAWIRRO

Published: January 20, 2020

Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degay Caasimadd Saldanada Cumaan ee Masqad, halkaasi oo si heer sare ah loogu soo dhaaweeyay.

Boqorka waxaa si gaar ah loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha, waxaana goob-joog ahaa masuuliyiin ka tirsan dalka cumaan, waxaa si gaar ah gagida diyaaradda ugu soo dhoweeyey Suldaanka Qabiilka Meheriga Suldaan Cabdullaahi Bin Ciise Aal-Cafraar, iyo qeybo ka mid ah Jaaliyadda Soomaalida ee degan dalkaas.

Boqorka iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo gudbiyey deegaankii Dawladdu u diyaarisay, lama faahfaahin ujeedada booqashada Boqorka ee dalkaas, waxaase ajandaha ka mid ah inuu saldanada uga tacsiyeyn doona Geeridii ku timid Suldaan Qaabuus bin Siciid.

Waxaa la filayaa maalmaha soo socda Boqorku inuu ku sugnaan doono Dalka Cummaan, oo masuuliyiin sare la kulmi doono, waxaa kaloo la filayaa inuu booqan doono Magaaalada Salalah ee ay ku badantahay Soomaalidu.

Waxaa xusid mudan Boqorku inuu safarkiisii ka soo kicitimay dalka Imaaraatka Carabta halkaas oo uu kula kulmay qeybo ka mid ah amiirada dalkaas.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Aad iyo aad baan ugu hambalyeynayaa Boqorka iyo weftiga la socda.
    Maasha Allah.
    Mahadsanid mudane