Queen Elizabeth II Boqoraddii Ingiriiska ee geeriyootay, ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso Magaalada London…
Queen Elizabeth II Boqoraddii Ingiriiska ee geeriyootay, ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso Magaalada London ee caasimadda dalka Britain.
Boqoradda ayaa geeriyootay 8-dii bishan iyadoo 96 jir ahayd, ka dib xanuuno ay muddooyinkii ugu dambeysay dhul layaal la ahayd.
Madax isugu jira Boqoro, Madaxweyneyaal iyo Ra’iisal Wasaareyaal ka kala socda wadamada caalamka ayaa ka qaybgelaya aaska Boqoradda.
Khudbado iyo maamuus gaar ah oo ay leedahay Boqortooyada Britain ayaa loogu samayn doonnaa Aqalka Westminster, ka hor inta aan lagu aasin xabaalo looga sameeyay Xarunta Boqortooyada ee Windsor.
Madaxda caalamka ee ka qeyb galaya aaska boqoradda waxaa kamid ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.
Horseed Media