Boqorka cusub ee UK Charles-ka saddexaad oo xilka loo caleema saarayo

Published: September 10, 2022
Shares4

Boqor Charles-ka saddexaad ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa inuu yahay boqorka cusub ee UK, ka dib munaasabad lagu qaban doono qasriga St James’s ee London saacadaha soo socda.

Boqorada Elizabeth wiilkeeda curadka ah ayaa si toos ah u noqday boqor, ka dib dhimashadeeda.

Laakiin Golaha ansixinta oo ah hay’ad soo jirtay waqtiyadii Anglo Saxon ayaa xaqiijin doona doorkiisa ka dib kulan taariikhi ah oo markii ugu horeysay laga daawado telefishinka.

Dhinaca lale, magaalada Edinburgh ee caasimada Scotland waxaa la filayaa in la geeyo naxashka boqoradda.

Waddooyinka ayaa la xiray, waxaana la sameeyay baro koontorool. Naxashka ayaa la filayaa in laga qaado qalcadda Balmoral halkaas oo ay ku geeriyootay, waxaana Axadda la geyn doonaa qasriga Holy-rood-house ee Edinburgh.

Waxaa la filayaa in intaas ka dib, dadweynaha loo oggolaado inay arkaan naxashka ka hor inta aan la geyn London maalinta Talaadada ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *