Boqorka Urdun oo ka digay Dagaal balaaran oo ka qarax gobolka sababo la xiriira weerarada Israa’iil ee Daanta Galbeed

Published: February 2, 2024

Boqorka Jordan Boqor Cabdallaha ayaa Khamiistii ka digay dagaal ka qaraxi kara gobolka sababo la xiriira “weerarada sii kordhaya ee Israa’iil” ka wado Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin iyo magaalada Qudus, isagoo carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo xabbad-joojin laga sameeyo Marinka Qaza.

Digniintan ayaa ku soo beegantay xilli uu Boqorka Urdun telefoon kula xidhiidhay Ra’iisal Wasaaraha Canada Justin Trudeau, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Boqortooyada Urdun.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in Boqor Cabdallah uu ka digay in sii socoshada xiisadda Israel ee Daanta Galbeed iyo Qudus ay keeni karto fowdo iyo dagaal gobolka ka dhaca.

Horseed Media