Boris Johnson oo laga saaray Isbitaal ka dib markii uu haleelay Covid-19.

Published: April 13, 2020

Boris Johnson Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa laga saaray Cusbitaal ku yaal London oo lagula tacaalayay xaaladiisa sadexdii Maalmood ee lasoo dhaafay ka dib markii uu haleelay caabuq faafaya ee Covid-19.

Johnson Ra’iisul Wasaare UK oo 55 sano jir ah ayaa xaaldihiisu ay hadda wanaagsan-tahay sida ay dhakhaatiirku sheegeen, mana tegi doono xafiiska shaqada ilaa soo wanaagsan uga soo kabto cudurkaan.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa loogaga mahad celiyay shaqaalaha isbitaalka daryeelka wanaagsan oo ay siiyeen ra’iisul wasaaraha. Haweeneyda saaxibka la ah ra’iisul wasaaraha UK Carrie Symonds ayaa is karantiishay markii lagu arkay calaamadaha Xanuunkaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *