Bosaso: Dhimasho & dhaawac ka dhashay weerar lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Al-Macruuf

Published: April 6, 2023

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, laba kalena waa ku dhaawacmeen weerar bumbo gacmeed loo adeegsaday oo oo koox hubeysan ay ku qaaday xarunta ganacsiga Al-Macruuf ee Magaalada Bosaso.

Weerarka ayaa dhaliyay dab xooggan oo ka kacay xarunta shirkadda kaas oo sababay khasaare kala duwan oo aan weli faahfaahin sugan laga helin.

Dableydii weerarka fuliyay oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa goobta ka baxsaday waxaana halkaas gaaray ciidamo ka tirsan Booliska.

Gurmad kala duwan oo lagula tacaalayo in lagu damiyo dabkaan ayaa haatan socda iyadoo shirkadan ay kamid tahay shiradaha waa weyn ee Magaalada Bosaso.

Horseed Media