Bosaso: Khilaaf ka dhex taagan Gudoomiyaha degmada iyo ku-xigeenkiisa

Published: August 15, 2022
Shares60

Khilaaf sababay in uu hakad galo shaqada Dowladda hoose ee degmada Bosaso ayaa ka dhex taagan Guddoomiyaha degamada Cabdiqani Axmed Deera-dil iyo ku-xigeenkiisa Axmed Nuur Huruuse.

Khilaafkaan ayaa salka ku haya habka loo qeybsaday kaarar lacageed oo ay bixiso Hay’adda WFP kuwaas oo loogu talagalay dadka danyarta ah.

Kilaafkan oo gaaray xukuumadda Puntland ayaa weli wax hadal ah ka soo saarin balse wararka qaar ayaa sheegaya in la amartay ineysan tagi karin xarunta Dowladda Hoose.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa 2021 kala diray golihii deegaanka ee Boosaso kadib markii lagu eedeeyay Xil gudasho la’aan.

Tan iyo markaas Magaalada Boosaaso ma yeelan Gole deegaan oo rasmi ah, waxaana dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Puntland aaminsan yihiin in Magaalada Boosaaso dayac maamul oo baahsan uu ka jiro.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *