Kheyre Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax Madaxweyne 2021

Published: September 12, 2020

Raysal wasaarihii hore ee dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa ku dhawaaqay inu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya doorashada soo socota ee 2021.

Kheyre oo qoraal uu soo dhigay internetka ku shaaciyey musharaxnimadiisa ayaa sheegay inay ku kaliftay inuu isu sharaxo xilkan kadib markuu uu sameeyey fikir iyo talooyin.

Dad badan ayaa isweydiinaya sababta keentay inuu Xasan Cali Kheyre ku shaaciyo musharaxnimadiisa isagoo awooda inuu si toos ah madal dadka Soomaaliyeed uga sheegayo hankiisa kursiga ugu sareeya dalka.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

2 Comments

  1. Waa ku soo dhoweynaynaa raysalwasaare inaad noqoto madaxweynihii barito ee dalkan heehaabaya iyo maqnaansha walaalahayo soomaaliland oo aan rabno inay miiska wadahalka la fariisano, kana tacsiyadayno wixii ku dhacay.

  2. Aad ayaad ugu mahadsan tahay howshii wanaagsanayd ee aad qabatay xiligii aad ahayd raysulwaaraha dalkeena, waxaana kuu rajaynayaa inaad ku guulaysato loolan kaaga madaxweynanimo 2021.