Britain Oo Kaabayaasha Dhaqaalaha Ka Taageeraysa Galmudug

24 June, 2021

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta kulan khadka mareegta internetka ah kula yeeshay…

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta kulan khadka mareegta internetka ah kula yeeshay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ms. Kate Foster.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay Arrimaha horumarinta Kaabayaasha dhaqaale, amniga gudaha iyo dhismaha Hay’adaha kala duwan ee Galmudug oo Dowladda Ingiriisku ay gacan ka geysato.Dhinaca kale Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha dardargelinta doorashada dalka oo si habsami leh ku socota.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeyntii danjiraha uga mahadceliyay taageerada iyo garab istaagga dowladda UK ee guud ahaan Soomaaliya iyo Galmudug si gaar ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *