Britain oo si rasmi ah uga baxay Midowga Yurub

Published: February 1, 2020

Britain ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqday inay isaga baxday ururka Midowga Yurub kadib inkabadan Saddex sano markii ay u codeeyeen shacabka Britain afti ay ugaga baxayaan EU ayna xubin ka ahayd ururka 47 sano.

Saacad kahor mudadii loo qabtay ra’iisul wasaare Boris Johnson ayaa ku tilmaamay “In ay tahay daqiiqad la yaab leh oo rajo leh”

Boris ayaa ku tilmaamay xilliga ka bixista Midowga Yurub inay tahay mid u bilaabay midnimo iyo in heer sare la gaaro, waxana uu ballanqaaday inuu dib u soo celinayo qaabkii Britain ay ahayd xilligii Boqorad Victoria 1837-1901.

Qaar ka mid ah shacabka Britain ayaa u dabaaldegaya ka bixitaanka EU halka kuwo kalana ay ka xun yihiin in la soo afjaro ku dhowaad konton sano oo ay ka mid ahaayeen Midowgan.

Hoggaamiyaasha Midowga Yurub ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin in ay UK ka baxdo,iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee wadan xubin ka ahaa Midowga Yurub uu si rasmi ah ugaga baxo balse waxa ay ku dhowaaqeen mustaqbal ifaya inay helayaan 27ka dal ee ka mid ah ururka Midowga Yurub.

Sanadihii uu dalka UK xubin ka ahaa ururka EU oo markii hore loo yiqiin EEC ayaa gaaraya marka maalmo ahaan loo xisaabo illaa 17,1947 maalmood.

Mudadaas xilka ra’iisul wasaaraha Britain ayaa waxaa soo qabtay siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Heath, Wilson, Callaghan, Thatcher, Major, Blair, Brown, Cameron, May iyo Johnson. Saddexda ra’iisul wasaare ee ugu dambeysa ayaa isku bedelay muddo kooban oo gaareysa saddex sano iyo bar, iyadoo taajka reer boqor ay xirneyd mudadaas oo dhan Queen Elizabeth II.

Waqtigii UK ay xubinta ka noqotay Midowga Yurub waxaa ku jirey oo kaliya dalalka France, West Germany, Belgium, Italy, the Netherlands iyo Luxembourg.

Afti laga qaaday shacabka Britain 2016kii ayaa 52 boqolkiiba waxa ay u codeysay in laga baxo Midowga Yurub halka 48 boqolkiibana ay ka soo horjeesatay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *