Brussel: Turkida oo ku dhex dagaalamay Qunsuliyada Turkey

Published: March 31, 2017

Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhaawacmay gacan ka hadal ka dhacay Qunsuliyada Turkiga ku leeyahay magaalada Brussels, halkaasi oo ay ku dagaalameen taageerayaasha Erdogan iyo kuwa kasoo horjeeda.

Gacan ka hadalkan ayaa la sheegay in la isu adeegsaday mindiyo, waxaana mid kamid ah dadka dhaawaca soo gaaray la sheegay in xaaladiisa ay culustahay.

Booliiska ayaa ku guuleystay inay joojiyaan dagaalkan iyagoo awood u adeegsaday kooxihii goobtaasi ku dagaalamayey.

Qaar kamid ah dalalka Yurub oo ay ku nool yihiin Turkida ayaa lagu wadaa inay ka bilaabato u codeynta aftida lagu bedalayo dastuurka Turkiga oo awood dheeraad ah siin doona Madaxweynaha Tayyib Erdogan.

Horey ayey rabshado la xariira Aftida Dastuurka Turkiga uga dhaceen dalalka Holland iyo Germany kadib markii dowladahaasi diideen in Xukuumada Turkiga ay olole la xariirta aftida ulla timaado Qurbajoogta Turkida ee dalalkaasi ku nool.



Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *