Burcad-badeed Soomaali ah oo Talyaaniga lagu maxkamadeynayo

Published: February 21, 2012

Maxkamad ku taala dalka Talyaaniga ayaa shalay oo Isniin ahayd lasoo taagey dhowr nin oo Burcad-badeeda Soomaalida ka tirsan.

Wakaaladda wararka ee Talyaaniga ANSA ayaa sheegtay in raggan oo ay tiradoodu 9-nin tahay gacanta lagu soo dhigay xilli ay xeebaha Soomaaliya ka qabsadeen markab nooca xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalka Talyaaniga.

Markabkaas oo lagu magacaabo Montecristo ayaa Burcad-badeeda Soomaalida u gacan galay bishii October ee sanadkii hore, waxaana soo bad baadiyey ciidamada NATO ee howlgalka la dagaalanka Burcad-badeeda ka wada badaha Soomaaliya ku xeeran.

Maxkamadeynta 9-kan Burcad-badeeda ah ayaa noqonaysa tii ugu horeysey ee ka dhacda dalka Talyaaniga, inkastoo horay dhowr mar dalal ka tirsan midowga Yurub rag falal Burcad-badeednimo la xiriira lagu soo qabtay loogu xukumay.

Waxaana hadii raggan lagu helo eedeymaha loo soo jeediyey oo ah Burcad-badeednimo, adeegsiga hub sharci daro ah, hanjabaad iyo jir dil ay kula keceen shaqaalaha markabka Montercristo ay wajihi doonaan xarigi ay mudadiisu ugu yaraan 20-sano tahay.

Weerarada Burcad-badeeda oo dabayaaqada sanadkii hore ee 2011 si aad ah kor ugu kacay ayaa u muuqda kuwo hoos u dhacay intii lagu jirey bilowga sanadka cusub, inkastoo hadana ay bishan gudeheeda qaadeen dhowr weerar oo ay midkood markab ganacsato Soomaaliyeed u raran ku qabsadeen.

 

Horseed Media

Xigasho: United Press International