Burkina Faso, Mali iyo Niger oo isaga baxaya ururka ECOWAS

Published: January 28, 2024
Shares2

Niger, Mali iyo Burkina Faso ayaa Axaddii ku dhawaaqay inay isaga baxayaan ururka dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECOWAS), iyaga oo sabab uga dhigaya cadaalad darada cunaqabataynta ECOWAS ay ku soo rogtay waddamadaas kadib markii ay la wareegeen ciidamada militariga.

Hogaamiyayaasha saddexda wadan ee Sahel ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegeen in ay tahay go’aan madax banaan in ay ka baxaan ururka dhaqaalaha ee galbeedka Afrika.

Waxa ay adkeeyeen boosaskooda bilihii u dambeeyay, waxayna sameysteen “Isbahaysiga Gobolka Saaxil”.

Horseed Media