Published: March 21, 2022
Dowlada Burkina Faso ayaa xaqiijisay in weerar Axaddii shalay ka dhacay bariga dalkaasi lagu dilay ugu yaraan 12 askari.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/03/Burkina-faso-ciidamo-1200x600.jpg)
Ciidamada amniga oo roondo ka sameenayey deegaanka Natiaboani ee bariga dalkaasi ayaa la sheegay inay jidgooyo u dhigeen kooxo la rumeysan yahay inay yihiin maleeshiyaadka xagjirka ah ee dalkaasi ka dagaalama.
Deegaanka Natiaboani ayaa 60km u jirta magaalada ugu weyn ee bariga dalkaasi Fada N’Gourma.
Weerarada ay geysanayaan kooxahan ayaa sare usii kacay tan iyo markii ay xukunka dalkaasi la wareegeen militariga bishii Janaayo.