21 March, 2022
Dowlada Burkina Faso ayaa xaqiijisay in weerar Axaddii shalay ka dhacay bariga dalkaasi lagu dilay ugu…
Dowlada Burkina Faso ayaa xaqiijisay in weerar Axaddii shalay ka dhacay bariga dalkaasi lagu dilay ugu yaraan 12 askari.
Ciidamada amniga oo roondo ka sameenayey deegaanka Natiaboani ee bariga dalkaasi ayaa la sheegay inay jidgooyo u dhigeen kooxo la rumeysan yahay inay yihiin maleeshiyaadka xagjirka ah ee dalkaasi ka dagaalama.
Deegaanka Natiaboani ayaa 60km u jirta magaalada ugu weyn ee bariga dalkaasi Fada N’Gourma.
Weerarada ay geysanayaan kooxahan ayaa sare usii kacay tan iyo markii ay xukunka dalkaasi la wareegeen militariga bishii Janaayo.