Burundi oo kordhineysa tirada ciidamada ka jooga Soomaaliya

Published: February 25, 2012

Dowladda Burundi ayaa sheegtay inay kordhin doonto tirada ciidamadeeda qaybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ee jooga dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza oo waraysi gaar ah siiyey warbaahinta ku hadashada afka dowladda Britain ee BBC ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay waddo qorshe ku aadan sidii loo kordhin lahaa ciidamada Burundi ee nabad ilaalinta u jooga magaalada Muqdisho.

wuxuuna tilmaamay in Burundi uu yahay dal waaya arag u ah dhibaatada ay dagaalada sokeeyo iyo dowlad la’aantu leedahay taasina ay tahay sababta ku kalifaysa inuu qayb ka noqdo dadaalada loogu jiro sidii nabad iyo xasilooni Soomaaliya loogu soo dabbaali lahaa.

Pierre Nkurunziza ayaa mar uu ka hadlayey Al-shabaab wuxuu sheegay in la joogo xiligii ay fahmi lahaayeen sida ay muhiimka u tahay inay miiska wada hadalka soo fariistaan isagoo intaas raaciyey ka qaybgal la’aantooda shirkii London ay muujineyso sida uu caalamku arintooda uga mideysan yahay.

“…Al-shabaab hadii aan laga qayb gelin shirka London waxay filayaa inay gadaal ka fahmi doonaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen hanaanka nabadda…”

Madaxweynaha Burundi ayaa dhinaca kale mar uu ka hadlayey sida colaadda iyo dagaalada aysan waxba ku hagaagi karin in wax ku khaldamaan maahee wuxuu yiri:

“…hadii kooxo ama qolo ay isku daydo inay dhib wax ku hesho waa in loo sheegaa in aan sidaas dowlad lagu hanan karin, waan in aan u sheegnaa in hub aan xal lagu keeni karin, dunida oo dhanna aan lala dagaalami karin…”

Dowladda Burundi waxay kamid ahayd wadamadii lagu casumey shirkii halka maalin socdey ee shalay ka dhacay caasimadda dalka Ingiriiska ee London, shirkaas oo ahaa mid ay kasoo qayb galeen madaxda 50-dal iyo hay’ado caalami ah, loogana hadlayey sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka dowlad la’aantu ugu weyn tahay ee Soomaaliya mudo dheer ka jirey.

Go’aanka ay dowlada Burundi ku qaadatay inay kordhiso tirada ciidamada ka jooga Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli dhowr beri kahor golaha ammaanka ee QM uu ansixiyey qaraar ku aadan sidii ciidamada Africa ka socda ee howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM Soomaaliya u joogaa tiradoooda oo hada ah 12,000 oo askari loo gaarsiin lahaa ilaa 17,000 oo askari.

 

Horseed Media