Buuhoodle: dagaal xoogan ayaa saaka ka qarxay deegaanka Sool-joogto

Published: February 8, 2012

Waxaa goor hore oo saaka ah ka qarxay duleedka degmada Buuhoodle gaar ahaan deegaanka Sool-joogto dagaal u dhexeeya ciidamada Khatuumo iyo kuwa maamulka la magac baxay Somaliland.

Dagaalkan oo ah mid xoogan ayaa bilowday waxyar kadib wakhtigii salaadda subax, waxaana weerarka soo qaaday ciidamada Somaliland oo iyagu markii horeba ku sugnaa meel aan Sool-joogto sidaas uga sii durugsanayn.

Diryanka maadaafiicda iyo dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku ridayaan ayaa laga maqlayaa goobo ka baxsan meesha uu dagaalku ka socdo lamana oga ilaa iyo hadda khasaaraha kala gaaray labada garab ee ay dirirtu u dhexeyso.

Wararkii ugu danbeeyey ee Horseed Media ay ka heshay degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa sheegaya in dagaalka oo xiligan u muuqda mid sii xoogeysanayaa uu u fiday dhinaca Meygaagle.

Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada deegaanku ay gacanta ku dhigeen gaari kuwa dagaalka ee ay Soomaalidu (Cabdi-bilaha) u taqaano ah islamarkaana uu qori (Shilke) ahi saaran yahay.

Sool-joogto waxay 30km ka durugsan tahay degmada Buuhoodle waana markii 6-aad ee halkaas uu ka dhaco dagaal u dhexeeya ciidamada taabacsan maamulkii dhowaan Taleex looga dhawaaqay ee Khaatumo iyo kuwa Somaliland oo iyagu rabay ina la wareegaan gacan ku haynta degamda Buuhoodle.

Wixii warar ah oo kasoo kordha dagaalka saaka ka qarxay duleedka Buuhoodle ka filo Horseed Media saacadaha soo fool leh.

 

Horseed Media