Buuhoodle: Xaaladda Deegaanadii Shalay Lagu Dagaalamay Oo Maanta Degen

Published: February 9, 2012

Wararka laga helayo degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa sheegaya in ay maanta degen tahay xaaladda deegaanadii shalay lagu dagaalamay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in labada ciidan ee Somaliland iyo kuwa maamulka Khaatumo ay ku kala sugan yihiin goobihii uu shalay gabalku ugu kala dhacay.

Ciidamada deegaanka Khaatumo ayaa ku sugan Sool-joogto oo 25-km dhinaca waqooyi Buuhoodle kaga began islamarkaana ah goobtii ay horay u fadhiyeen.

Ciidamada maamulka Somaliland oo dagaalkii shalay gaadiid iyo maxaabiiba looga qabsaday ayaa iyaguna ku sugan dhinaca Qori-lugud, dhinaca kale jewiga guud ee Buuhoodle iyo deegaanada ku xeeran ayaa ah mid laga dareemayo saan saan colaadeed oo xoogan.

Dagaalkii shalay ka dhacay duleedka Buuhoodle oo daba socdey dagaalo soo noq noqday oo todobaadyadii u danbeeyey ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka Khaatumo dhex marayey ayaa ahaa mid aad u xoogan.

Waxaana labada dhinac ee ay dirirtu dhex martay kala gaarey khasaare nafeed oo badan inkastoo aysan jirin cid si madax banaan u cadaysay tirada dadka dagaalkaas ku dhintay marka laga reebo sheegashada labadii garab ee ay diritu dhex martay.

 

Horseed Media