Buuqii iyo nidaam-xumidii ka dhacday Baarlamaanka January 24 waxba lagama bara!

Published: February 7, 2024

Dowladda iyo hoggaanka baarlamaanku waxay doonayaan inay ku socdaan mashruucoodii wax-ka—baddalka dastuurka.

Waxay leeyihiin “hawshani way soconeysaa oo cidna loo joojin maayo.

Ha iska qeyliyaan dadka naga soo horjeeda. Sow innagii 4 maamul -goboleed ku dhisnay go’aan adeyg iyadoo nalaka daba-qeylinayo farqaha nalaku dheggan yahay?” Waa dood aan sax aheyn.

Waa xaqiiq, waana ayaan darro in hey’addii sharci-dejinta ee la rabay inay labadeeda aqal is-dheelli -tiraan ay isku milmeen.

Waxaaba ka sii daran inay labadii aqalna ay fulinta ku milmeen. Yaa dowladda la xisaabtamaya?

Dastuurka ka dhasha habkan qardajeexa ah waxaa ku sii kala fogaanaya dadka.

Waxaana jira xeerar hore oo baarlamaan sameeyey oo shaqeyn waayey.

Waxaa ila quman in caqligu shaqeeyo oo gacan-maroojiska iyo qasabka la joojiyo.

Madaxda labada aqal ayaa horey ugu fashilmay arrinkan. Waxaan rajeynayaa inay Baarlamaanka ka dhigaan hey’ad sharci iyo nidaam ku shaqeysa, ayna ka soocnaato fulinta oo ay weliba ilaaliso.

WQ: Afyare A. Elmi