Caalamka oo cambaareeyay xasuuqa Israel ay ku heyso dadka gargaar doonka ah

Published: March 1, 2024

Beesha Caalamka, kooxaha gargaarka iyo ururada xuquuqul Insaanka ayaa cambaareeyay xasuuqa foosha xun ee Israa’iil ay ku dishay in ka badan 193 qof oo sugayay inay helaan gargaar cunto oo degdeg ah waqooyiga Gaza.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in baaritaan heer caalami ah oo madax-banaan lagu sameeyo xasuuqan ugu danbeeyey ee dhacay khamiistii shalay.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sidoo kale sheegtay in afar carruur ah oo kale ay gaajo iyo fuuq-bax ugu dhinteen waqooyiga Qasa.

Dhinaca kale, weerar toogasho ah oo lagu qaaday Daanta Galbeed ee Ceel ayaa waxa ku dhintay laba Israa’iiliiyiin ah, taas oo dhalisay cabsi laga qabo rabshado kale oo ka dhan ah bulshooyinka Falastiiniyiinta.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa taleefoon kula xiriiray Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo kan Masar Abdel Fattah el-Sisi, iyadoo Washington ay sheegtay in ay riixeyso xabbad joojin ku meel gaar ah oo laga sameeyo Gaza.

Ugu yaraan 30,035 qof ayaa la dilay 70,457 oo kalana waxaa  lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar.

Horseed Media